Ciidamada Sudan ayaa isku gadaamay garoonka diyaaradaha ee Khartuum

26 March, 2025

Ciidamada ayaa la sheegay in ay isku gadaameen garoonka diyaaradaha oo ku yaala bartamaha magaalada. Goob joogayaal ayaa sheegay in RSF ay xoogga saartay ciidamadeeda ku sugan koonfurta Khartuum, si ay uga baxaan magaalada.

Ciidanka Suudaan ayaa ku hareeraysan garoonka diyaaradaha ee caasimadda Khartoum, sida ay laba ilo-wareedyo milatari ah u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters Arbacadii, iyaga oo u dagaallamaya sidii ay uga saari lahaayeen xoogaga Taageerada degdegga ah (RSF) ee ay isku hayaan fadhiisimadii ugu dambeeyay ee caasimadda, inkasta oo dagaalku u muuqdo mid aan weli dhammaan.

Ciidamada ayaa qabsaday qasriga madaxtooyada ee bartamaha magaalada Khartoum ka dib dagaalkii dhacay Jimcihii.

Ciidanku waxay sheegeen inay la wareegeen gacan ku haynta xerada Tiba al-Hassanab ee koonfurta caasimadda, taasoo ay ku tilmaameen inay ahayd saldhigii ugu dambeeyay ee RSF ay ku lahayd bartamaha Suudaan.

Horseed Media