Guusha ciidamada Sudan ayaa astaan u ah mid ka mid ah horumaradii ugu muhiimsanaa ee ciidamadu gaaraan tan iyo markii uu dagaalku dhex maray taliyaha ciidamada al-Burhan iyo RSF.

Militariga Suudaan ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen gacan ku heynta ku dhawaad dhammaan waqooyiga caasimadda Khartuum, xilli ay xoojiyeen weerarrada ay ku doonayaan in ay si buuxda ugala wareegaan gacan ku heynta caasimadda dalkaas oo ay gacanta ku hayeen kooxda Rapid Support Forces (RSF).
Ciidanka, oo dagaal kula jira RSF tan iyo Abriil 2023, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka guuleystey qaybo badan oo caasimadda iyo nawaaxigeeda ah oo ay ka soo ceshadeen kooxaha hubaysan.
Sabtidii, Milatarigu waxay sheegeen inay dib u qabsadeen Kafouri, oo ah degmo muhiim ah oo ku taal Waqooyiga Khartuum, ka dib markii ay RSF ku riixeen duleedka magaalada oo sidoo kale loo yaqaan Baxri.
Degmada, oo ah mid ka mid ah kuwa ugu qanisan Khartuum, waxay xarun muhiim ah u ahayd kooxda fallaagada ah ee RSF, waxaa guryo kulahaa madaxda sare ee RSF, oo uu ku jiro Abdel Rahim Daglo, oo la dhashey taliyaha RSF, ahna ku xigeenkiisa.
Jimcihii, ciidamada Suudaan waxay ku dhawaaqeen inay dib ula wareegeen gacan ku haynta Abu Quta ee waqooyi-galbeed ee Gobolka Gezira oo ay ka talinayeen RSF.
Bayaan uu soo saaray, afhayeenka milatariga Nabil Abdullah ayaa sheegay in ciidamada milatariga iyo xulafadooda ay Jimcihii “haraadiga maleeshiyada Falaagada Daglo” ka saareen Kafouri iyo degaano kale oo 15km dhanka bari kaga beegan Sharq El Nil.
Khamiistii, ilo ka tirsan militariga ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidanku ay ku sii siqayeen bartamaha magaalada Khartuum, halka goob joogayaal ay sheegeen in iska horimaadyo halkaasi ka dhaceen koonfurta caasimadda.
Horumarka cusub, ciidanku waxa ay sugeen gacan ku haynta dhamaan magaalooyinka Gobolka Gezira, marka laga reebo Giad oo ku taala waqooyiga iyo tuulooyinka ku xeeran oo 50km dhanka waqooyi kaga beegan Khartuum.
Horumarka ayaa muujinaya mid ka mid ah guulihii ugu muhiimsanaa ee ciidanku gaaro tan iyo markii uu qarxay dagaalka u dhexeeya taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhaan iyo saaxiibkiisii hore ee Daglo ee RSF, kuwaas oo si dhakhso ah u qabsaday inta badan Khartuum iyo goobo kale oo istiraatiiji ah.
Ciidanka iyo RSF waxa ay dagaalameen tan iyo bartamihii bishii April 2023 kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 20,000 oo qof ayna ku barakaceen 14 milyan, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay iyo maamulada maxalliga ah.