Ciidamada xoogga dalka Suudaan ayaa subaxnimadii Jimcaha la wareegay guud ahaan xarunta madaxtooyada ee magaalada Khartoum, waxayna hadda ku raad joogaan ciidamada Taageerada degdega ah ee (RSF) ee ku sugan gudaha Suuqa Carabta ee bartamaha caasimadda Khartoum.

Warku wuxuu intaa ku daray in ciidanku markii hore la wareegeen albaabka bari ee madaxtooyada, isla markaana ay gudaha madaxtooyada ku dileen tobaneeyo ka tirsan taageerayaasha degdega ah, halka qaar kalena ay u suurtogashay inay u baxsadaan dhinaca suuqa Carabta iyo jidka Al-Ghaba ee badhtamaha magaalada Khartoum.
War kasoo baxay ciidamada Sudan ayaa lagu sheegay in ay burburiyeen maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-Daglo oo ku sugnaa bartamaha magaalada Khartoum, suuqa Carabta, dhismayaashii madaxtooyada iyo wasaaradaha.
Afhayeenka ciidamada Sudan Sarreeye Guuto Nabil Cabdallah ayaa intaa ku daray in ciidamada xoogga dalka ay burburiyeen difaacii iyo agabkii cadowga, isla markaana ay gacanta ku dhigeen tiro badan oo ka mid ah qalabkii iyo hubkii ay wateen.
Dhankiisa, Taliyaha Hawlgalka Khartoum ee Ciidanka Sudan, Major General Muhammad Abdel Rahman Al-Bilawi, ayaa u sheegay Aljazeera in “ciidamada qalabka sida waxay dhawaan u dhaqaaqi doonaan dhanka Garoonka Khartoum si ay dib ula wareegaan, ugana nadiifiyaan bariga caasimadda.”
Al-Bilaawi ayaa intaa ku daray in ciidamada xoogga dalka ay bartamaha Khartoum ka nadiifinayaan xubnaha RSF, kuwaas oo isku dayaya in ay ku baxsadaan Isbitaalka Khartoum.
Horseed Media