La wareegida magaalada, oo ah albaab laga galo gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan, oo RSF ay dhawaan la wareegtay maamulka, ayaa saameyn weyn ku yeelan kara dagaalka.

Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) ayaa beeniyay hadal ka soo yeeray Ciidamada (RSF) oo ahaa inay qabsadeen magaalada Babnusa ee gobalka Galbeedka Kordofan.
Dowladda militariga Suudaan ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay Talaadadii ku sheegtay inay iska caabisay weerar ay soo qaadday RSF.
Kooxda RSF ayaa shalay sheegtay inay si buuxda ula wareegtay Babnusa, oo ah magaalo muhiim ah oo ku taal gobolka bartamaha Suudaan ee Galbeedka Kordofan.
Babnusa waa marinka loo maro gobolka Darfur, oo ay ciidamada RSF si buuxda ula wareegeen bishii hore, iyo guud ahaan galbeedka Suudaan.
Muuqaalo ay soo bandhigeen RSF Isniintii ayaa muujinayay dagaalyahannadooda oo qabsaday saldhig ciidan oo ku yaal Babnusa ka dib go’doomin toddobaadyo ah.
Si kastaba ha ahaatee, SAF waxay ku adkeysatay inay weli ka dagaallamayso magaalada.
Iskahorimaadyadii ugu dambeeyay waxay sidoo kale u muuqdaan inay jebinayaan xabbad-joojin hal dhinac ah oo ay ku dhawaaqday RSF ka dib dadaallo dhexdhexaadin ah ee dalalka – Masar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta (UAE), iyo Mareykanka.



