Ciidamada Suudaan oo qabsadey magaalo istraatiiji ah

12 January, 2025

Milateriga Suudaan ayaa gudaha u galay magaalada Wad Madani waxayna ka saareen ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ee ka soo horjeeda magaalada istiraatiijiga ah ee gobolka Gezira, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay ciidanka Suudaan.

Dadku waxay isugu soo baxeen waddooyinka Port Sudan si ay ugu dabaaldegaan horusocodka la sheegay in ciidammada millatariga Suudaan ay ka wadaan caasimadda gobolka Gezira ee Wad Madani

Ciidamada Suudaan ayaa sabtidii xaqiijiyey in ay gacanta ku dhigeen magaalada Wad Madani, ciidamada qalabka sida ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Suudaan “ciidankeenu waxay saaka soo galeen magaalada Wad Madani” ka dib in ka badan hal sano oo ay gacanta ku haysay jamhadda RSF.

Ciidanka ayaa soo bandhigay muuqaal, muujinayo askarta gudaha magaalada oo ay haysteen RSF tan iyo bishii Disembar 2023.

Wad Madani waa istaraatiijiyad sababtoo ah waa isgoysyada waddooyinka muhiimka ah ee saadka ee isku xira dhowr gobol, waana magaalada ugu dhow ee ugu weyn caasimadda Khartoum.

Ciidamada Sudan iyo RSF ayaa dagaalamaayey tan iyo bishii Abriil 2023, taasoo keentay wax ay Qaramada Midoobay ugu yeertay barakacii ugu xumaa ee adduunka iyo macluusha ka jirta qeybo ka mid ah dalka ku Suudaan.