Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay inay soo rideen diyaarad Drone-ka Mareykanka ah…

Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Yemen ayaa ku dhawaaqay inay soo rideen diyaarad Drone-ka Mareykanka ah oo nooceedu yahay MQ-9, taasoo dul mareysay gobolka Ma’rib, waana tii 16-aad ee aan duuliyaha laheyn ee uu dalkaasi soo rido tan iyo 7-dii October 2023-kii.
“Anagoo ka aargoosanayna duulaanka Mareykanka ee ka dhanka ah dalkeena, difaacyada cirka ayaa si guul ah u soo riday diyaarad aan duuliye lahayn ee MQ-9 Reaper ah, xilli ay howlo cadaawad ah ka waddey hawada Gobolka Ma’rib, iyadoo adeegsaneysa gantaal maxalli ah oo ku habboon,” Ayaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay ciidamada difaaca Yemen.
“Tani waa tii lix iyo tobnaad ee aan duuliyaha lahayn ee difaacyada hawadeenu ay si guul ah u soo rideen intii lagu jiray intuu uu socdey dagaalka iska caabinta ee Gaza,” Ayaa lagu yiri markale warka ciidanka Yemen.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka “saacdihii lasoo dhaafay ay qaadeen tiro duqeymo kala duwan ah, kuwaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, ciidamada Yemenna waa sii wadi doonaan difaaca dhulkooda iyo Falastiin.”



