Ciidamada Yemen oo weeraray markabka diyaaradaha xambaara ee USS Harry S.

2 April, 2025

Ciidamada qalabka sida ee dalka Yemen ayaa sheegay inay qaadeen howlgal dhan ah Mareykanka, waxaana ay…

Ciidamada qalabka sida ee dalka Yemen ayaa sheegay inay qaadeen howlgal dhan ah Mareykanka, waxaana ay 24-kii saac ee la soo dhaafay weerar ku qaadeen markabka diyaaradaha xambaara ee USS Harry S. oo marayey badda Cas.

Bayaan ka soo baxay taliska ciidanka Yemen ayaa lagu sheegay in iyaga oo ka aargoosanaya duullaanka Maraykanku ku hayo Yemen ay beegsadeen maraakiibta dagaalka ee cadawga ah ee ku sugan badda cas.

“Wadashaqeyntu waa socotaa xilliga bayaankan, taasoo noqonaysa howlgalkii saddexaad ee 24-kii saac ee lasoo dhaafay,” ayay raacisay, Howlgalladayada militari ee ka dhanka ah cadowga Mareykanka waa ay sii socon doonaan, iyadoo la beegsanayo maraakiibtooda dagaalka”, Ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhanka kalena, ciidanka xoogga dalka Yemen ayaa ku hanjabey inay sii wadi doonaan duulaanka ka dhanka ah maraakiibta dalka Israa’iil ee ku sugan biyaha caalamiga ah, si looga hortago xansuuqa Falastiin.