Ciidamadii ka baxay Carmo oo sheegay inaysan Puntland aqoonsanayn.

Ciidamo dhawaan ku biiray Dowladda Federalka ah ee Somalia fariisinna ku lahaa degmada Carmo ee gobolka…

8 August, 2026

Ciidamo dhawaan ku biiray Dowladda Federalka ah ee Somalia fariisinna ku lahaa degmada Carmo ee gobolka Bari, ayaa habeenimadii xalay u ruuqaansaday degmada Xumbays oo katirsan gobolka Karkaar ee Puntland.

Mid kamid ah saraakiisha ciidanka hoggaaminaysa oo waraysi bixiyey ayaa sheegay in ciidamada ay u guureen deegaanka Xumbays ee gobolka Karkaar, aysanna ku biirin Puntland oo ay katirsan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo xusay inaysan aqoonsanayn dowlad aan ka ahayn midda dhexe ee Somalia.

Laamaha ammaanka Puntland ayaa sheegay inay la wareegeen saldhiggii ay ciidamadaasi ku lahaayeen Carmo, kaddib markii ay halkaas isaga baxeen. Carmo iyo Xumbays labaduba waxay ku yaallaan deegaannada Puntland, waxaana xogta juqraafiyeed ee la heli karo ay xaqiijinaysaa goobaha ay labada deegaan ku yaallaan.