Ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa dhaqdhaqaaqyo xooggan…

Ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa dhaqdhaqaaqyo xooggan ka wada deegaamo katirsan gobolka Baay, xilli ay qorshaynayaan dib u qabsashada Baydhabo.
Wasiirkii hore ee Amniga Koofur Galbeed iyo afhayeenkii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Uagaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa hoggaaminaya ciidamadaan oo doonaya inay ka hortagaan doorashada la qorsheeyey 10-ka May.
Afhayeen Ugaas ayaa ugu baaqay shacabka Magaalada Baydhabo inay u diyaar garoobaan soo dhaweynta ciidamada oo uu sheegay inay doonayaan inay cadawga ka dulqaadaan.
“Shacabka reer Baydhabo waxaan leeyahay kaalaya ku soo biira oo caanaha u keena ciidanka doonaya inay idinka dulqaadaan Cadowga midabka qabiil leh ee xoogga idinku heysata 30-ka Cisho”, Ayuu yiri Afhayeenkii Lafta-gareen.



