Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe waxaa ka soo degtey diyaarad saaka ka qaadday…

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe waxaa ka soo degtey diyaarad saaka ka qaadday ciidamo iyo wafuud hordhac u ah safarka Madaxweynaha dowladda Puntland ee Magaalada Muqdisho.
Diyaaraddaan ayaa siddey Xildhibaano, Wasiiro, saraakiil Madaxtooyada katirsan iyo ciidamada koofiyada casta ee ilaalada gaarka u ah Madaxda ugu sarraysa Puntland kuwaasi oo u dimanaa sugidda ammaanka waftiga Puntland.
Mas’uuliyiin katirsan dowladda federalka ah ee Somalia oo siweyn uga carooday ciidamada hubaysan ee ay wataan Madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa amar ku bixiyey in lagu celiyo Garoowe iyo Kismaayo ayna soo dhimaan ciidankaasi.
Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo walaac ka muujiyey ammaankooda Muqdisho ayeysan ahayn markii ugu horreysey ee ay ciidamo u kaxaystaan Muqdisho, waxaana sidaan oo kale ay ku galeen 2020 xilligaas oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh la safnaa hoggaamiyayaashii mucaaradka iyo madaxda labada maamul oo ay is hayeen dowladdii Farmaajo.



