Ciidamo katirsan Birmadka Booliska Puntland ayaa maanta xirtay Xerada 54aad iyo qaybo kamid ah waddooyinka hawlbalaha…

Ciidamo katirsan Birmadka Booliska Puntland ayaa maanta xirtay Xerada 54aad iyo qaybo kamid ah waddooyinka hawlbalaha ah ee ku yaala bartaha Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.
Ciidamadaan oo dhawaan tababar ku soo qaatay kulliyadda tababarada Magaalada Carmo ee gobolka Bari ayaa saaka sheegay inay ka gedoodsan yihiin daryeel la’aan iyo mushahar kaga maqan dowladda Puntland.
Qaar kamid ah ciidanka ayaa xirtay buundada cusub, Cisbitalka Weyn iyo agagaarka wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka Puntland, iyagoo ridey rasaas badan oo ay cirka u rideen.
Qaar kamid ah ganacsatada magaalada Garoowe ayaa cabasho xooggan ka muujiyey ciidankaan oo ay sheegeen inay ka dheceen, Dahab, Qaad iyo agab kale, iyagoo ugu dambayn ka baxay aaggii ay joogeen subaxnimadii hore ee saaka.




