Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya cutubyo katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland oo saaka xirtay…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya cutubyo katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland oo saaka xirtay laamiga xiriiriya deegaamada Karin iyo Laag oo katirsan Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Ciidamadaan oo fariisimo ku lahaa deegaanka Balli-Khadar ee buuraha Galgala ayaa ka cabanaya mushaar la’aan ah, kadib markii ay waayeen xuquuqdii ay dowladdu siin jirtey muddo dhawr bilood ah.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidankaan oo xannibay isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo xamuulka ayaa sheegay inay doonayana sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda, maadaama ay shaqo adag hayaan.
Waxa ay sheegeen inaysan bannayn doonin jidka laamiga ah oo ay ku xannibeen gaadiidkii dadweynaha ilaa laga siinayo xuquuqda iyo mushaarka ka maqan oo gedoodka sababtay.



