Ciidamo katirsan kuwa dowladda hoose ee degmada Galkacyo ayaa saaka xirtay xarunta maamulka degmada iyagoo u…

Ciidamo katirsan kuwa dowladda hoose ee degmada Galkacyo ayaa saaka xirtay xarunta maamulka degmada iyagoo u diidey shaqaaluhu inay gudaha u galaan xarunta, si ay u qabsadaan shaqooyinkooda.
Ciidamadaan ayaa sheegay inay ka gedoodsan yihiin xuquuqdoodii maaliyeed (Mushahar) oo kaga maqan dowladda hoose ee degmada Galkacyo oo muddooyinkii dambe isbedello maamul hareeyeen.
Xubno ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Gaalkacyo oo tegey xaruntii degmada ayaa dib uga soo laabtay, iyagoo warbaahinta u caddeeyey in ciidamada gedoodsani ka hor joogsadeen geliteenka xarunta.
Waxaa muddooyinkii dambe sii kordhayey ciidamada iyo shaqaalah mushahar la’aanta ka cabanaya deegaamada Puntland, waxaana wasiirka Maaliyadda oo maalin ka hor su’aal laga weydiiyay uu sheegay in dhismaha waddooyinku ay ka muhiimsan yihiin xuquuqda shaqaalaha.



