Ciidamo gedoodsan oo xirtay duleedka Magaalada Boosaaso.

Ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland ayaa subaxnimadii hore ee saaka xirtay degaanka Kalabayr ee gobolka Bari, iyagoo…

27 August, 2025

Ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland ayaa subaxnimadii hore ee saaka xirtay degaanka Kalabayr ee gobolka Bari, iyagoo hakad geliyey gaadiidka xamuulka ee ka soo baxay dekedda Magaalada Boosaaso.

Ciidamada gedoodka sameeyey oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa sheegay in ay ka yimaadeen buuraha Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, iyagoo xukuumadda ka codsaday inay bixiso xuquuqdooda.

Hoggaanka ciidankan gadoodsan ayaa caddeeyay in ay marar kala duwan xukuumadda madaxweyne Deni ka dalbadeen in ay siiso mushaaraadka ka maqan, balse aysan wax jawaab ah ka helin.

Bilihii dambe waxaa soo batay gedoodka ay gudaha Puntland ka samaynayaan ciidamada ka cabanaya xuquuqda kaga maqan wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Puntland.