Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta weerarka culus ku qaaday fariisimo ay…

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta weerarka culus ku qaaday fariisimo ay kooxda Alshabaab ku lahayd duleedka magaalada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe, sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda.
Hawlgalkaan ayaa yimid kadib markii ay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada dowladdu heleen xogta la xiriirta in Alshabaab ay deegaamadaasi ka waddo dhaqdhaqaaqyo xooggan kadib qabsashadii maalmo kahor ee Ceel-baraf.
Qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda oo faahfaahin kooban looga bixiyey weerarka ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kooxda Alshabaab uu khasaare xooggani ka soo gaarey dagaalka.
Abaabulka dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu dambeeyey siweyn looga dareemayey deegaamada maamulka Hirshabeelle kadib markii kooxda nabaddiidka ah ay qabsatay deegaamo dhawr ah.