Dagaal kharaar ayaa saaka markale dib uga bilwoday Jasiiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii…

Dagaal kharaar ayaa saaka markale dib uga bilwoday Jasiiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ay maalinimadii shalay la wareegeen malayshiyaad taabacsan kooxda Alshabaab.
Dagaalka saaka ayaa bilowday kadib markii ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo kaashanaya kuwa dowladda Somalia iyo ciidamada cirka Kenya ay soo qaadeen weerar ka dhan ah kooxda Alshabaab.
Taliyihii hore Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ururka 162-aad Jubbaland Col Carab Dheeg Axmed, ayaa shaaca ka qaaday in dagaal saacado dheer qaatay kadib ay ciidamadu si rasmi ah ula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Kudhaa.

Kudhaa oo koonfur ka xigta magaalada Kismaayo qiyaastiina u jirta 100 km, waxaa Al-shabaab lagala wareegay sanadkii 2014, halkaas oo ay markii hore u isticmaali jireen in ay ku gabadaan madaxda sarsare ee kooxda.



