Ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa saaka xoog kula wareegey…

Ciidamo ka amar qaata siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Magaalada Laascaanood ayaa saaka xoog kula wareegey hoteel Jidbaale, oo loo madlanaa in lagu qabto shirka dhameystirka maamulka SSC Khaatumo.
Hoggaanka mucaaradka ayaa waxay siweyn uga soo horjeedo qorshaha uu shirka ka damacsan yahay hoggaamiyaha SSC Khaatumo, Firdhiye. Arrintan ayaa dhalisay khilaaf siyaasadeed oo sababi kara dib u dhac ku yimaada qabsoomidda shirka, sida ay wararku sheegayaan.
Qaar kamid ah isimada dhaqanka SSC KHATUMO ayaa ku hawlan dadaallo si loo xalliyo khilaafka, loogana hortago fashilka shirka. Waxay qaar kamid ah isimmadu muujiyeen walaac ku saabsan sida uu Madaxweyne Firdhiye u maamulayo geeddi-socodka siyaasadeed ee maamulka SSC Khaatumo.
Maalinimadii shalay ayey siyaasiyiinta mucaaradku ku eedeeyeen hoggaamiye Firdhiye inuu ka shaqaynayo xaalad gurracan isla markaana uu adeegsanayo awood ka baxsan SSC KHATUMO.




