Saraakiil katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo qaar kamid ah shacabka gobolka Nugaal ayaa Magaalada Garoowe…

Saraakiil katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo qaar kamid ah shacabka gobolka Nugaal ayaa Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey Ciidanka Guutada Duufaan oo muddo 13 bilood ah ku sugnaa buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Ciidanka oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka Cawsane ee gobolka Sanaag ayaa ku soo laabtay Taliskoodii guud ee deegaanka Bixin ee duleedka Garoowe, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin difaaca Puntland.
“Waxaan muddo sanad iyo dhawr bilood ah buuraha u saarnayn ilaalinta nabadda, midnimada iyo jiritaanka Puntland, waxaan hadda diyaar u nahay inaan ka hawlgalno meelkasta oo Puntland ah oo nalooka baahdo”, Ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha hawlgalka hoggaaminaysa.



