Guriga uu Magaalada Dhuusamareeb ka deggan yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, ayaa ciidamo…

Guriga uu Magaalada Dhuusamareeb ka deggan yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, ayaa ciidamo dheeraad ah la dul-dhigay xilli uu guda-galay diyaarinta furitaanka kalfadhiga Golaha Wakiillada, sida ay tilmaamayaan ilo-wareedyo ku sugan caasimadda Galmudug.
Warar hoose oo ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya in guddoomiyuhu isku deyaye inuu golaha horgeeyo mooshin ka dhan ah xukuumadda Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, taasoo haddii ay dhacdo keeni karta in Golaha Wakiilladu ka doodaan kalsoonida xukuumadda.
Xiisaddan siyaasadeed ayaa kusoo beegmaysa xilli Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay laashay natiijadii doorashadii qof iyo cod ee Galmudug, iyadoo maxkamaddu amartay in doorashada dib loo qabto, tallaabadaasi oo abuurtay xaalad siyaasadeed oo cusub iyo dood ku saabsan hannaanka doorashooyinka Galmudug.
Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal ayaa dhawaan Muqdisho ku muujiyey inuusan ku qanacsanayn habka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u maamushay doorashadii Galmudug, isagoo su’aalo ka keenay hannaanka loo maray iyo doorka dowladda dhexe.




