Ciidamo la wareegaya ammaanka Garoowe oo soo dhaweyn ballaaran loo sameeyey.

2 November, 2025

Boqolaal katirsan ciidanka booliska Puntland oo dhawaan tababar ugu soo dhammaaday kulliyadda Carmo ayaa soo gaarey…

Boqolaal katirsan ciidanka booliska Puntland oo dhawaan tababar ugu soo dhammaaday kulliyadda Carmo ayaa soo gaarey Magaalada Garoowe, si loogu wareejiyo ammaanka Caasimadda.

Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, saraakiil ciidan iyo boqolaal shacab ah ayaa ciidamadaan oo ku gaashaaman gaadiidka ciidanka iyo qoryaha fudud ku soo dhaweeyey duleedka Bari ee Magaalada Garoowe.

HOOS KA DAAWO

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan balanqaaday in casriyeyn lagu samayn doono ammaanka caasimadda, isagoo arrimahaasi kulamo kala yeeshay saraakiisha ammaanka, guddiga nabad gelyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.