Cutubyo katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland oo mushahar la’aan ka gedoodsan ayaa lagu soo waramayaa inay…

Cutubyo katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland oo mushahar la’aan ka gedoodsan ayaa lagu soo waramayaa inay soo banneeyeen difaacyadii ay kaga sugnaayeen buuraleeyda Cal-madow ee gobolka Bari.
Ciidamadaan ayaa ka soo baxay saldhig ay kaga sugnaayeen deegaanka Af-urur ee silsiladda Golis, kadib markii ay waayeen xuquuqdii maaliyadeed ee ay ku lahaayeen dowladda Puntland.
Saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka qaarkooda ayaa waxa ay sheegeen in ay ka cabanayaan mushaar kaga maqan dowladda Puntland, islamarkaana ay dalbanayaan in si deg deg ah loogu fasaxo mushaarka iyo xuquuqda Ciidan ee ka maqan.
Waxa ay caddeeyeen inaysan muddo dhowr bilood ah qaadan wax mushahar ah taasina sababtay in ay ka soo baxaan difaacii hore ee degaanka Af-Urur ee buuraha Calmadow, mana jiro wax jawaab arrintaan ku aadan oo ka soo baxay wasaaradda maaliyadda Puntland.



