Ciidamo mushahar la’aan ka gedoodsan oo gaadiid ku xannibay degmada Xarfo.

19 August, 2025

Muddo todobaad gudihiis ah waxaa markii 2aad ciidamo mushahar la’aan ka gedoodsani waxay degmada Xarfo ee…

Muddo todobaad gudihiis ah waxaa markii 2aad ciidamo mushahar la’aan ka gedoodsani waxay degmada Xarfo ee gobolka Mudug ka xirteen laamiga dheer ee xiriiriya gobolada dalka.

Ciidankan gadoodsan oo ka cabanaya mushaar la’aanta ayaa gebi ahaanba la wareegay kastamkii canshuuraha degmada Xarfo, halkaasi oo ay ku xannibeen gaadiid xamuul ah oo ka soo kicitimay dekedda Boosaaso.

Gaadiidkaan xamuulka ah ayaa saaka ku xanniban kastamkii canshuuraha degmada Xarfo oo ay haystaan ciidankan gadoodsan ee dalbanaya mushaar iyo xuquuq kaga maqan xukuumadda Puntland, inkastoo aysan xukuumaddu jawaab ka bixin.

Degmada Xarfo ee gobolka Mudug ayaa noqotay goobta ugu badan ee xanibaadaha gaadiidku ka dheceen labadii sano ee ugu dambaysay iyadoo inta badan ay goostaan ciidamo gedoodsan.