Ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed haatanna weli rumaysan inuu yahay Madaxweynaha saxda ah Cabdicasiis…

Ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed haatanna weli rumaysan inuu yahay Madaxweynaha saxda ah Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa dhaqdhaqaaqyo ka bilaabay qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Ciidamada taabacsan Lafta-gareen oo muddooyinkii dambe abaabul ka wadey deegaamo katirsan gobolada Baay, Bakool iyo Gedo ayaa bilaabay inay fariisimo ka samaystaan qaar kamid ah xaafadaha Magaalada Baydhabo.
Taliska ciidamada Lafta-gareen ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weeraro habeen kahor lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa DFS ee ku sugan xaafadaha Xanaano, Al-Faras iyo waddada 30-ka ee Magaalada Baydhabo.
“Ciidamada Booliiska Gaarka ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa howlgallo culus ka wada gudaha magaalada Baydhabo. Dhowr xarumood oo fadhiisimo u ah ciidanka Salbalaar 2 ayaa lagu qaaday howlgal, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyey maleeshiyaadka Xasan Sheekh Maxamuud iyo daba-dhilifkooda, Waxaa si adag loogu digayaa cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso amniga magaalada ama ay gacan siiso kooxaha falalka amni-darrada wada. Hay’adaha amniga ee sharciga ah waxay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan shaqsi kasta oo lagu helo falal lid ku ah nabadgelyada iyo xasilloonida shacabka. Sidoo kale, shacabka magaalada Baydhabo waxaa lagu wargelinayaa inay ka fogaadaan goobaha ay howlgalladu ka socdaan, isla markaana la shaqeeyaan ciidamada amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyada guud ee magaalada”, Ayaa lagu yiri Bayaanka.



