Ciidamo taabacsan Madaxweynihii xoogga looga saaray deegaamada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laft-gareen ayaa saaka gudaha…

Ciidamo taabacsan Madaxweynihii xoogga looga saaray deegaamada Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laft-gareen ayaa saaka gudaha u galay qaar kamid ah xaafadaha Muhiimka ah ee dhaca Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah u ah maamulkaasi.
Ciidamadaan oo isugu jirey kuwa horay ugu diyaarsanaa gudaha Magaalada iyo kuwa ka soo ruuqaansaday duleedka Baydhabo ayaa sawirro looga qaaday aagagga muhiimka ah ee Magaalada sida Afar-irdoodka oo ay ka agdhawyihiin xarumo dowladeed.
Kadib dagaalo goos goos ah oo ka dhacay gudaha Baydhabo ayey ciidanka Lafta-gareen ka bexeen Magaalada iyagoo sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo maxaabiis ay ka qabsadeen ciidanka dowladda Somalia oo dhawaan la wareegey Magaalada Baydhabo, halka saraakiisha dowladduna soo bandhigeen gaadiid iyo maxaabiis ay sheegeen inay dhinaca Lafta-gareen ka qabsadeen.
Ka sokow sheegashada labada dhinac waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhasahay dagaalka Baydhabo, waxaana siweyn looga cabsi qabaa dagaalo kale oo Magaalada dib uga qarxa xilli Aadan Madoobe isudiyaarinayo hoggaanka Koonfur Galbeed.



