Ciidamo taabacsan Lafta-gareen oo qaadacay doorasho ka dhacda KGS.

21 April, 2026

Ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ku dhawaaqay…

Ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa ku dhawaaqay inaysan aqbali doonin doorasho ka qabsoonta Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaamada Maamulkaasi.

Taliyaha ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee kusugnaa Awdiinle Col, Isaaq Cali Isaaq “Meedeey” & Afhayeenka ciidankan Daa’ud Max’ed Jiroon ayaa sheegay in aysan jiri karin Doorasho laga qabanayo Baydhabo, deegaankooda lagu soo qaaday mid lamid ah kuwii dagaaladii Sokeeye ee 1991.

Saraakiishaan oo la xaqiijiyey inay wataan ciidamo ku hubeysan gaadiid dagaal oo tiro badan, iyagoo sidoo kale ku hanjabay in aanay suuragal ahayn in diyaarado ay ka soo degaan Baydhabo, haddii ay la xiriiraan qorshaha doorashooyinka.

Dhanka kalena, Meedeey ayaa sheegay in ammaanka Magaalada Baydhabo uu faraha ka baxay isagoo ku goodiyey in hubkii laga keenay Magaalada Muqdisho aan dib loogu celin doonin sida uu hadalka u dhigay.