Ciidamo taabacsan Lafta-gareen oo saaka duulaan ku jarmaadiyey Magaalada Baydhabo.

Ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa aroornimadii hore…

3 September, 2026

Ciidamo taabacsan Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar dhawr jiho ah ku qaaday Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ahna caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulkaasi.

Weerarka kadib waxaa magaalada ka qarxay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa dibad joogga ah ee taageersan Lafta-gareen, iyadoo magaalada qaybo kamid ah weli laga maqlayo dhawaqa hubka culus noocyadiisa kala duwan.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka, muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamada dowladda oo dhufays kaga jira goobihii ay ku sugnaayeen iyo kuwa weerarka soo qaaday oo lug ku maraya qaar kamid ah xaafadaha Magaalada Baydhabo oo saaka aroornimadii hore laga maqlay ilaa laba qarax oo aad u waaweyn.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo ciidan, waxaana afhayeen u hadlay Lafta-gareen uu aroornimadii hore ee saaka xaqiijiyey inaysan joojin doonin weerarka inta ay gacantooda ku soo celinayaan awoodda maamulka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dagaalka ka socda Baydhabo, oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee maamulka, waxaase saraakiisha ammaanku sheegeen inay iska-difaaceen waxa ay ugu yeereen weerar kaga yimid kooxo argagixiso ah oo isa soo bahaystay.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo lajirkiisa ayaa wacad ku maray in hoggaamiye Aadan Madoobe uusan ku ledidoonin hoggaanka Koonfur Galbeed oo iyaga awood looga muquuniyey, iyagoo maalmihii la soo dhaafay wadey abaabul ciidan iyo diyaar garaw dagaal.

Xoogagga taabacsan Lafta-gareen ayaa Baydhabo weeraray tiro ka badan 5 jeer ilaa haddana uma suuroobin inay la wareegaan qaybo kamid ah maamulka Baydhabo, xilli dhawaan hoggaamiye Aadan Madoobe sheegay inuu siweyn uga walaacsan yahay halista kaga imaan karta Alshabaab iyo taageerayaasha Lafta-gareen ee ku sugan duleedka Baydhabo.