Dagaal qaraar ayaa oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo daacad u…

Dagaal qaraar ayaa oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo daacad u ah hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa aroornimadii hore ee saaka ka qarxay hareeraha & qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan Laftagareen ay gudaha u galeen qaybo ka mid ah Baydhabo, iyadoo uu halkaasi ka socdo iska-hor-imaad xooggan oo la isku adeegsanayo hubka fudud iyo kuwa culus, inkastoo aan laga bixin faahfaahin rasmi ah.
Dagaalka ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa shacabka iyo howlihii caadiga ahaa ee magaalada, iyadoo dadka qaar ay guryahooda ku xayiran yihiin, halka kuwo kalena ay isku dayayaan inay ka fogaadaan goobaha uu dagaalku ka socdo, iyadoo la jaray anteena qaybo kamid ah magaalada Baydhabo.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur, ayaa maalin kahor walaac xooggan ka muujiyey xaaladda ammaan ee deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed, isagoo sheegay inay ka cabsi qabaan hujuun kaga yimaada kooxda Alshabaab iyo ciidamada taabacsan Lafta-gareen oo duurka kujira.



