Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Baarri Shire, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska…

Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Baarri Shire, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kaga qayb galay munaasabadda dhaarinta Dufcadda 10-aad ee Ciidanka Booliiska Puntland, kuwaas oo tababar ku soo qaatay Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliiska Gen. Carays Godad.
Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, masuuliyiinta gobolka iyo degmada, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale. Ciidanka cusub ee la dhaariyay ayaa si rasmi ah ugu biiray howlaha amniga iyo ilaalinta shacabka Puntland.
Masuuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa ciidamada kula dardaarmay inay si daacadnimo iyo hufnaan leh u gutaan waajibaadkooda shaqo, dhowraan sharciga iyo nidaamka dalka, isla markaana door muuqda ka qaataan sugidda amniga, xasilloonida iyo badqabka muwaadiniinta Puntland. Waxay sidoo kale ku boorriyeen ciidamada cusub inay shacabka ugu adeegaan anshax iyo masuuliyad sare.



