Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Sarreeye Guuto Asad…

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa wadajir u soo xiray Tababar u socday Ciidamo katirsan booliska Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa loo carbiyey ka hortagga Falalka lidka ku ah Amaanka waxayna awood Ciidan u leeyihiin la dagaalanka Khawaariijta ,ilaalinta xuquuqda Muwaadiniinta xiliyada ay Howlgalada ku jiraan maadama lagu Tababaray shuruucda iyo xirfadaha la horumariyey ee Boliisku ku shaqeeyo oo mudnaan gaar ah siinaya Bulshada Soomaaliyeed.
Dhanka kalena, Mas’uuliyiinta ayaa howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya EUCAP kala wareegeen gaadiid iyo agab ciidan oo loogu talagalay inay ku shaqeeyaan ciidanka tababarka loo soo xiray.




