Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawisleeyda aya weerar qorshaysan ku qaaday fariisin ay…

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawisleeyda aya weerar qorshaysan ku qaaday fariisin ay kooxda Alshabaab kaga sugnayd deegaanka Aboorey ee degmada Buulo-burte.
Maamulka deegaanka ugu magacaaban Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in weerarka lagu diley dagaalameyaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab, laguna gaadiid dagaal walow aysan sheegin khasaaraha dhankooda.
Guddoomiyaha deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan Nuur Cilmi Cariif ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, laguna beegsaday goob ay ku sugnaayeen rag katirsan Alshabaab.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Alshabaab ay miinooyin tiro beel ah ku aaseen waddooyinka soo gala deegaanka Aboorey, qorshuhuna yahay in maalmaha soo socda lagu soo celiyo gacanta dowladda.



