Ciidanka ammaanka oo Boosaaso ka sameeyey hawlgallo dad lagu qabtay.

25 August, 2025

laamaha ammaanka gobolka Bari oo habeenimadii xalay hawlgallo ka sameeyey Magaalada Boosaaso ayaa xabsiga u taxaabay…

laamaha ammaanka gobolka Bari oo habeenimadii xalay hawlgallo ka sameeyey Magaalada Boosaaso ayaa xabsiga u taxaabay laba qof, oo lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxaha nabaddiidka ah.

Mid kamid ah labada ruux ee la qabtay ayaa la sheegay in mid kamid ah uu yahay Iimaan masjidka oo gacanta ku hayey nin orom ah oo si wanaagsan Af-carabi ugu hadlaya, iyadoo ugu dambayn labada saldhigga loo kexeeyey.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in labada nin ee la qabtay ay yihiin eedaysanayaan ayna baaritaan ku samayn doonaan hay’adaha ku shaqada leh lana sii dayn doono haddii lagu waayo tuhunada soo galay.

Dhanka kalena, ciidanka ayaa hawlgallo ka sameeyey hareeraha Magaalada Boosaaso gaar ahaan, dhinaca Biyo-kulule iyo Girible, si looga hortago in ay Boosaaso ku soo dhuuntaan firxadka mileeshiyaadka Daacish ee ka soo baxsanaya buuraleeyda Baallade.