Ciidanka booliska Puntland ayaa ku guulaystey inay burburiyaan Hogo dhuxul ah oo laga shidayey togga lagu…

Ciidanka booliska Puntland ayaa ku guulaystey inay burburiyaan Hogo dhuxul ah oo laga shidayey togga lagu Magacaabo Xeeridheere oo hoos yimaada degmada Shaxda ee gobolka Karkaar.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Taliyaha Booliska gobolka Karkaar G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa lagu xaqiijiyey burburinta dhuxushaasi, inkastoo aan gacanta lagu soo dhigin kooxihii ku hawlanaa jarista dhirta iyo shidista dhuxusha.
“Ciidamada Booliska Gobolka Karkaar gar ahaan Ciidanka Salldhiga Degmada Shaxda ayaa sameeyay hawl-galo lagu burburinayo hogo dhuxul laga shidayay Togaga Xeere Dheere Waxaan gacanta Lagu dhigay agabkii ay dhuxulaysatadu isticmaalaysay”, Ayaa lagu sheegay warka taliska.
“Ciidamada Booliska Degmada Shaxda ayaa Gubaay Qaarna Burburiyay ilaa 21 Hogo Halka Ciidamada ay docdooda ku guleysteen in ay Burburiyaan Tiro kale oo Hogo oo dhuxul ah kadib howlgal ay xoogan oo looga hortagaayo Xaalufka degaanka” Ayuu yiri G/sare Xuseen Cali Maxamuud.
“Booliska ayaa Wali kuguda jira Soo qabashada edesanayasha kuwaas oo Ka Baxsaday Booliska Waxana socota Soo qabashadooda si loo horkeeno Sharciga Dowlada Puntland”, Ayuu yiri Markale taliyuhu.






