Ciidanka ammaanka Puntland oo hawlgallo ka bilaabay Galkacyo.

19 October, 2025

Ciidanka ammaanka Puntland ee gobolka Mudug ayaa hawlgallo culus ka bilaabay Magaalada Galkacyo, kadib markii ay…

Ciidanka ammaanka Puntland ee gobolka Mudug ayaa hawlgallo culus ka bilaabay Magaalada Galkacyo, kadib markii ay kordheen dilalka la xiriira aanooyinka qabaa’ilka ee gobolkaasi.

Maamulka gobnolka Mudug iyo saraakiisha ciidanka ammaanka ayaa kormeeray qaar kamid ah baraha kantaroolada iyo goobaha ay ciidanku ka wadaan hawlgallada ammaanka lagu xaqiijinayo.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug Gaashaanle Sare Maxamed Cabdixakiin, ayaa amray ciidanku inay gacanta ku soo dhigaan cidkasta oo wadata hub sharci darro ah, ayna dowladdu jawaab ka bixin doonto.

“Waxaa laynaka rabaa inaan maskada dadkeenna ku dirirno oo waanino, Magaaladaan caawa laga bilaabo waxaa ka mamnooc ah qori in lagu qaato, qofkii qorigiisa meel dhigan waayo waxaa la rabaa inaad gacanta uga dhigtaan, qofkii isdhiibi waayana waa inaad kula dirirtaan oo ku dishaan anagaa tihiin gacantayada”, Ayuu yiri taliye Maxamed.