Ciidanka ammaanka SSC KHATUMO oo qabtay shabakad ka shaqaysa tahriibka.

20 June, 2025

Ciidanka Police ka SSC-Khaatumo ayaa gacanta ku soo dhigey shabakad ka shaqaysa tahriibinta Dhalinyarada SSC-Khaatumo oo…

Ciidanka Police ka SSC-Khaatumo ayaa gacanta ku soo dhigey shabakad ka shaqaysa tahriibinta Dhalinyarada SSC-Khaatumo oo ku sugnaa Magaalada Laascaanood iyo xiriir wadashaqayneedna laleh kooxo ku sugan Magaalooyin kuyaalla Liibiya iyo meelo kale .

Eedeysane Maxamed Jaamac Xaashi , Ina Aamino Axmed Jaamac , 25 Jir oo Laascaanood isla markaana ahaa Mukhallas Dhalinyarada ka tahriibiya Laascanaood , Ethopia ilaa Liibiya .

Sidoo kale , Waxaa ay ku daba jiraan Ciidanka Police ka SSC-Khaatumo inay gacanta ku soo dhigaan laba eedeysane oo maqanayaal ah oo ay midi walaal la yahay midina Hooyadii tahay.

Eedeysanayaashan laguna kala magacaabo C/Kariim Jaamac Xaashi oo Jooga Tiriboli (Liibiya)iyo Aamina Axmed Jaamac oo ah Hooyada dhashey labadan eedeysane doorkeeduna uu yahay Khasnaji la mariyo lacagaha laga qaado dhalinyarada marka ay tageyaan iyo marka lagu qafaasho Tiriboli .

Sidoo kale , Taliska ayaa haya Cadeymaha lacaga ay direen shabakadan oo ay ka mid yihiin $ 4,500 oo Laascaanood mid ka mid ah dhalinyarad lagaga Tahriibiyey kuwa kalena marka la soo dhamaystiro ay soo bandhigi doonaan.

Ugu danbeyntii , Waxaa ay ka codsanayaan Ciidanku shacabkooda inay la soo wadaagaan xogaha xubnaha qarsoon ee shabakadan iyo cid walba oo xidhiidh la leh kiisaskan .