Ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed oo la wareegey degmadii 2aad.

14 March, 2026

Degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay, waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada maamulka…

Degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay, waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo ciidamo ka soo horjeeda xukunka Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay inay degmadaasi la wareegeen ciidamado magacaabay Badbaadada Koofur Galbeed, kuwaas oo ka saaray ciidamada daacadda u ah maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Qaar kamid ah bulshada deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan agagaarka dagaalka, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalladu ay sii xoogaystaan isla markaana ay dhibaato ka soo gaarto shacabka ku nool degmada.

Qansax-dheere ayaa noqoneysa degmadii labaad ee ka baxda gacanta maamulka Koofur Galbeed kadib Buurhakaba, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo qorshaha dowladda federalka ah ee Somalia booska kaga saarayso Lafta-gareen.