Ciidanka Booliska Soomaaliya oo fashiliyay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa

15 January, 2025

Gaari ay saarnaayeen sameecado lagu soo qariyey walxaha qarxa ayey qabteen ciidanka booliska Soomaaliyeed

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo la rabay in lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda Muqdisho.

Walxahan qarxa ayaa dhagar qabayaashu ku soo farsameeyeen sameecadaha cod baahiyaasha ah , waxaanay ku talagaleen in si farsameysan ciidamada ku dhaafiyaan balse waa ay u suurtageli waysay maadaama ciidamadu u diyaarsan yihiin ka hortagga farsamooyinka cusub ee ay adeegsanayaan Khawaariijta mar walba.

Ciidanka Boliiska qeybtooda Xirfadlayaasha ah ayaa hadda ku guuleystay burburinta walxaha qarxa ee laga soo buuxiyay gaariga gacanta Boliiska ku jira.

Horseed Media