Laamaha ammaanka Puntland ayaa si adag uga digey soo gelinta iyo ka ganacsiga xaabada iyo dhuxusha…

Laamaha ammaanka Puntland ayaa si adag uga digey soo gelinta iyo ka ganacsiga xaabada iyo dhuxusha laga soo saaro deegaannada Puntland, isagoo xusay in tallaabadan looga golleeyahay ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka sii kordhaya ee dhirta.
War qoraal ah oo ka soo baxay taliska guud ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in amarkani ku saleysan yahay qodobbada 8-aad iyo 16-aad ee Xeerka Ilaalinta Deegaanka Puntland, islamarkaana uu daba socdo cabashooyin la xiriira xaalufka ka socda qaar ka mid ah deegaannada Puntland.
HOOS KA AKHRISO
Ciidanka Booliska Puntland ayaa mar kale ka digay soo gelinta iyo ka ganacsiga xaabada iyo dhuxusha laga soo saaro deegaannada Puntland, isagoo xusay in tallaabadan looga gol leeyahay ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka sii kordhaya ee dhirta.
Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in amarkani ku saleysan yahay Qodobbada 8-aad iyo 16-aad ee Xeerka Ilaalinta Deegaanka Dawladda Puntland, isla markaana uu daba socdo cabashooyin la xiriira xaalufka ka socda qaar ka mid ah deegaannada Puntland.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa faray dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidanka inay adkeeyaan kormeerka gaadiidka lagu qaado xaabada iyo dhuxusha, isla markaana ay qabtaan cid kasta oo ku xadgudubta amarkan.
Ciidanka Booliska Puntland ayaa uga digaya dadka ku lugta leh arrimahan inay jebiyaan amarkan, isagoo caddeeyay in cid kasta oo lagu qabto soo gelinta ama ka ganacsiga xaabada iyo dhuxusha laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.




