Ciidanka Danab iyo Daraawiishta Jubaland oo gobolka Jubadda Hoose ku dilay xubno ka tirsan argagixisada

4 April, 2025

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland ayaa maanta guul weyn ka soo hooyay howlgal ballaaran oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday kooxda argagixisada Al-shabaab.

Howlgalkan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo ay kooxda Khawaarijtu kaga sugnaayeen deegaanka Qabri Shariif,tiro badan oo ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkan ayaa sheegay in la burburiyay goobihii ay kooxdaasi kaga dhuumaalaysanaayeen deegaanka, isla markaana laga hortagay khataro ay qorsheynayeen in ay fuliyaan.

Ciidanka XDS iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay wado howllgalo khawaarijta lagu naafeeyay.

Horseed Media