Ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland gaar ahaan Ururka Hanqar ee ku sugan deegaan xeebeedka Buruc ayaa gacanta…

Ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland gaar ahaan Ururka Hanqar ee ku sugan deegaan xeebeedka Buruc ayaa gacanta ku dhigay saddex xubnood oo katirsan kooxda nabadiidka ah ee Daacish oo lagu jebiyey dagaalka buuraleeyda Cal-miskaad.
Raggaan ka kooban saddexda ruux oo dhammaan ka soo jeeda Qaaradda Africa ayaa ciidanku qabteen xilli ay hawlo roondo ah ka wadeen Deegaanka Ribad, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Xildhibaan Maxamed Siciid Qoslaaye oo ku sugan deegaanka Buruc.
“Majirto cid isa soo dhiibtey ee dhammaan raggaani waxay ahaayeen Sahan katirsan Daacish, waxaana ay isku dayeen inay baxsadaan markii ay ciidanka la kulmeen laakiin uma aysan suuroobin oo gacanta ayaa lagu dhigay, waxaana loo gudbin doonaa hay’adaha ku shaqada leh ee dowladda”, Ayuu yiri Xildhibaan Qoslaaye.
Buruc oo ah deegaan aysan gelin waddooyin berri ah ayaa qayb weyn ka ah halganka lagu ciribtirayo kooxaha nabaddiidka ah, waxaana ururka Hanqar siweyn ula socdaan firxadka DaacSH ee doonaya inay u soo cararaan dhanka xeebaha.



