Ciidanka DFS oo hawlgallo qorshaysan ka fuliyey duleedka Jilib.

7 April, 2026

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbo caalami ah ayaa hawlgallo qorshaysan ka fuliyey deegaanka Far-Shabeel…

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbo caalami ah ayaa hawlgallo qorshaysan ka fuliyey deegaanka Far-Shabeel oo hoos taga degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Dowaldda Somalia ayaa sheegtay in hawlgalladaan lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al‑Shabaab, iyadoo ciidamadu ay ku guuleysteen inay burburiyaan fariisimo ay kooxdaasi ku lahayd deegaankaas.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan ee gobolka Jubbada Dhexe.

Degmada Jilib iyo deegaamada hoosyimaada ayaa sanadkaan waxaa ka dhacay duqaymihii ugu badnaa oo la sheegay in lagu naafeeyey awooddii kooxda Alshabaab oo muddo dheer gacanta ku haysa Magaaladaan muhiimka u ah maamulka Jubbaland.