Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa maanta howlgallo culus ka wada Ceelka Rasaqan ee deegaanka Yucrin oo…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa maanta howlgallo culus ka wada Ceelka Rasaqan ee deegaanka Yucrin oo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Goobaha ay ciidanka difaaca dowladda Puntland ka wadaan hawlgalka nadiifinta ayaa ah aag ay malayshiyaadka Daacish gabaad uga dhigeen carruurta iyo Haweenka ajnabiga ah, sida uu xaqiijiyey hawlgalka Hillaac.
“Ciidanku waxay maanta hawlgal ay ku sifeynayaan Firxadka Argagixisada ka wadaan Ceelka Rasaqan, ee Deegaanka Yucrin ee Buuralayda Calmiskaad , waa aag ay Argagixisadu gabaad uga dhigeen Caruur iyo Haween Ajanabi ah.”
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeenimadii xalay sheegay in marka uu soo idlaado howlgalka Hillaac loo jihaysan doono howlgalka Onkod oo hadda uu socdo u diyaargarowgiisa, laguna sifeyn doono buuraleyda Calmadow ee gobolka Sanaag.



