Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa weli sii wada hawlgalka ciribtirka nabaddiidka Daacish ee ka socda buuraleeyda…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa weli sii wada hawlgalka ciribtirka nabaddiidka Daacish ee ka socda buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Hawlgalladii ugu dambeeyey ee ciidanku fuliyeen ayaa ka dhacay togga Baalade oo ah goobihii ugu dambeeyey ee ay ku dhuumaalaysanayeen firxadka Daacish, iyadoo halkaasi lagu burburiyey godad saldhigyo u ahaa kooxdaasi.
Saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka Hillaac ayaa sheegay in ujeedku yahay sifaynta Baalade ayna ciidanku sii socon doonaan ilaa laamiga dheer ee kujeeda dhanka Boosaaso.
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan sheegay in hawlgalku dhammaad yahay inta dhimmana ay ciidanku ku soo afmeeri doonaan muddo kooban.

