Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo kujira hawlgalka Hillaac ayaa kaabiga kuhaya fariisimadii ugu dambeeyey ee kooxda…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo kujira hawlgalka Hillaac ayaa kaabiga kuhaya fariisimadii ugu dambeeyey ee kooxda Daacish kaga dhuumaalaysanayeen togga Miiraale.
Saraakiil katirsan ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in hawlgalladii ugu dambeeyey lagu diley xubno katirsan malayshiyaadka Daacish ayna xilligaan ku raad joogaan goobihii ay kaga dhuumaalaysanayeen Miiraale.
Hawlgalka dhulka oo ay kaabayaan diyaaradaha dagaalka ee ay Puntland soo iibsatey ayaa saacadihii ugu dambeeyey gaarey goobo cusub, waxaana qorshuhu yahay in la soo afmeero joogitaanka kooxda Daacish ee Cal-miskaad.
Saraakiishu waxay xaqiijiyeen in hawlgalku si xawli ah dib ugu bilowday kadib markii la furay waddooyin cusub oo ay mari doonaan gaadiidka dagaalka oo aan markii hore gaari karin ceelka Miiraale iyo goobaha kale ee Daacish ku sugnayd.




