Ciidanka Difaaca Puntland oo la wareegay deegaanka Dhaadaar ee degmada Qandala

25 February, 2025

Ciidamada difaaca Puntland ee ku jira hawlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ayaa maanta iyagoo aan dagaal iyo iska caabin la kulmin si nabad ah kula wareegay deegaanka Dhaadaar ee degmada Qandala, kadib markii halkaasi isaga carareen kooxda argagixisada Daacish.

Ciidanka oo gudaha u galay deegaanka Dhadaar, ayaa goobihii argagixisadu ka carartay ugu tagey Rasaas kooban, Daawooyin, Agab Caafimaad iyo Cunto qalalan, sida lagu baahiyey bogga taliska hawlgalka Hillaac.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa hawlgalo amni ka sameeyey inta u dhexeysa deegaanada Dhaadaar iyo Sheebaab oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari, iyagoo horey ugu jihaystay deegaanka Dhasaan oo ah taliska ugu weyn ee argagixisada Daacish.

Dhammaan kooxda Daacish oo lagu naafeeyey dagaalo cir iyo dhul ah lagana diley boqolaal dagaalamayaal ajaaniib ah ayaa la rumaysan yahay inay ka huleeleen togga Jacayl isla markaana ay isku urursadeen dhanka degmada Qandala goobo ku yaalla, gaar ahaan Ceelka Wangable.

Horseed Media