Ciidanka difaaca Puntland oo weerar ku qaaday godad ay ku jiraan Daacish.

14 July, 2025

Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo kaashanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa isku gadaamey godad ay ku…

Ciidanka difaaca dowladda Puntland oo kaashanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa isku gadaamey godad ay ku dhuumaalaysanayaan malayshiyaad katirsan kooxda Daacish.

Godadka ay saaka gaareen ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa la sheegay inay kujiraan horjoogayaal, carruur iyo haween ajaaniib u badan oo katirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Kooxdan horjoogayaasha ah ee dumarka iyo carruurta wata ayaa ku go’doonsan ceelka Rasaqan oo dhaca degaanka Yucrin, halkaasi oo ah gabbaadkii u danbeeyay oo ay joogaan maxastii iyo ukumihii argagixisada.

Ilo wareedyo ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka qorshohoodu yahay inay gacanta ku soo dhigaan haraadiga kooxda Daacish oo maalmihii dambe kujirey dhuumaalaysigii ugu dambeeyey.