Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duulaan culus oo saaka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duulaan culus oo saaka ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanku ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen horjoogayaal katirsan kooxda Alshabaab.
Hawlgalladaan qorshaysan ayaa ka bilowday deegaanka Run-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo lagu burburiyey saldhigyo ay ku sugnaayeen Alshabaab sida lagu baahiyey warbaahinta dowladda Soomaaliya.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo warbaahintu xigatey ayaa shaaciyey in deegaanku yahay mid nabad ah isla markaana ay hadda ku sii siqayaan goobo cusub oo la tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin firxadkii kooxda Alshabaab.
Ciidanka dowladda iyo xoogagga deegaanka (Macawisleeyda) ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey wadey hawgallo ka dhan ah kooxda Alshabaab, kadib markii ay ka soo agdhawaadeen magaalooyinka Muqdisho iyo Jawhar.