Guutada 7aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Taliska Booliska Degmada ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay…

Guutada 7aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Taliska Booliska Degmada ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay tuulooyinka Guudaale, Riiglow iyo Yaaq-biriweyne, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad jidgooyo u dhigtay waddooyinka ay isticmaalaan gaadiidka xamuulka qaada.
Hawlgalladaasi ayaa ciidanku ku soo qabqabteen maleeshiyaad wadada ku hakiyay baabuurta xamuulka, kahor inta aysan ku soo bixin ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska.
Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in iska caabin kooban kadib ay dileen saddex ka mid ah maleeshiyada, halka afar kalena nolol lagu qabtay, laguna wareejin doono laamaha caddaaladda.
Jaaq-biriweyne iyo deegaamo hoosyimaada ayaa muddooyinkii dambe waxaa kajirey aanooyin qabiil oo sababay falal argagax leh, iyadoo ay dheertay dhabbe-gal ay gaadiidka ku samaysanayaan malayshiyaad hubaysan.



