Ciidanka Galmdug oo qabtay rag ku eedaysan dilalka hooyo & 3 gabdhood.

10 October, 2025

Laamaha ammaanka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay rag lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen fal dambiyeed…

Laamaha ammaanka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay rag lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen fal dambiyeed naxdin leh oo lagu dilay hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, deegaanada Qayib iyo Xiindheere ee gobolka Galgaduud, taariikhdu markii ay ahayd 9-da October 2025.

Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa sheegay in ciidanku muddo ku raad joogeen eedeysanayaasha, waxaana wali socota baadigoobka nin kale oo la aaminsan yahay inuu qeyb ka ahaa maleeshiyadii dilka geystay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Galmudug ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ku guuleysteen soo qabashada dhammaan eedeysanayaasha lagu tuhunsanaa falka foosha xun, kuwaas oo hadda lagu wado in la horgeeyo maxkamadaha awoodda u leh si ay cadaaladda u wajahaan.

Ciidanka ammaanka Maamulka Galmudug ayaa shacabka uga mahadceliyey kaalinta ay ku lahaayeen soo qabashada eedeysanayaasha, isagoo ugu baaqay inay sii xoojiyaan la shaqeynta ciidamada si loo adkeeyo nabadgelyada iyo xasilloonida bulshada