Ciidanka iskudhafka oo la wareegey qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Baydhabo.

Ciidanka dowladda Federalka ah ee Somalia iyo kuwa mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa la wareegey qaybo kamid…

30 March, 2026


Ciidanka dowladda Federalka ah ee Somalia iyo kuwa mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa la wareegey qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Muuqaladii ugu dambeeyey ayaa muujinaya wasiirka Xanaanada Xoolaha ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) ayaa galay gudaha magaalada Baydhabo.

Baabuurta aan xabadu karin ee dowladda Turkiga ay siisay Soomaaliya ayuuna ku galay magaalada Baydhabo, waxaana dowladdu sheegtay inay qabsatay Magaalada lana hayo maxaabiis iyo ciidamo daacad u ahaa Lafta-gareen.

Ciidanka Itoobiya ayaa gacanta ku haya xarumaha dowladda Magaalada, waxaana saraakiisha hogaaminaysa ciidanka gaarey Baydhabo amreen inaan loo dhawaan goobahaasi ilaa amar dambe.