Ciidanka hawlgallada gaarka ah ee deegaanada Jubaland, ayaa xalay ilaa saaka waabarigii howlgal qorsheysan ka fuliyay…

Ciidanka hawlgallada gaarka ah ee deegaanada Jubaland, ayaa xalay ilaa saaka waabarigii howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Hargaysa Yarey ee gobolka Jubada hoose, oo ay ku dhuumaalaysanayeen xubno katirsan kooxda Alshabaab.
Saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa xaqiijiyey in hawlgalka lagu dilay 12 kamida dhagarqabayaasha AS, oo sadex kamida ay ahaayeen horjoogayaal, muddooyinkii dambe siweyn loogu raad joogey.
Mid kamida horjoogayaasha la dilay ayaa sida la sheegay ahaa gacanta midig ee madaxa waxa ay u yaqaanan amniyaadka, kaasi oo dhaq-dhaqaaqisa si gaara loola socday todobaadyadi tagay oo dhan.
Dhanka kalena, hawlgalkii ugu dambeeyey ee saaka ciidanka Jubbaland ka fuliyeen deegaanka Hargeysa-yar ayaa nolosha lagu qabtay, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha hawlgalka hoggaaminaysa.



